4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 30, 2022
Ciiddanka xoogga dalka Soomaaliya oo si buuxda ula wareegay deegaanka Basra iyo tuulooyin hoos yimaada Basra
 

Jimco, September, 30, 2022 (HOL) - Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa saakay si buuxda ula wareegay deegaanka Basra ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kadib markii ciidamadu howlgal qorsheysan ay hiirtii waaberi ka fuliyeen Basra.

Ciidamada amniga dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale la wareegay tuulooyin badan oo hoos yimaada Basra, sida lagu sheegay war dowladda kasoo baxay.

Dhammaan deegaannada ciidamadu la wareegay waxay ku teedsanyihiin yihiin webiga Shabeelle. Wasiirka difaaca Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur oo ladlay warbaahinta dowladda, ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka ay burburiyeen Saldhiggii ugu weynaaa Alshabaab ee deegaanada ay la wareegeen.

Wasiirku wuxuu sheegay inaysan jirin wax iska caabin ah oo ay ciidamadu la kulmeen inta howlgalku uu socday.

Deegaanka Basra ayaa degaan Istiraatiiji ah iskuna xira Shabeellaha Hoose iyo Shaqaalaha Dhexe. Sidoo kale, Alshabaab ayaa deegaanka Basra ku lahayd saldhig wayn oo dadka uga yeeri jireen.

Tuulooyinka ay sida buuxda ula wareegeen Ciidamada oo gaaraya 9 tuulo ayaa kala ah.

1. Basra

2. Sabyo

3. Bahdaad

4 . Beled Al Kariim

5. Baldooska

6. Alifoow

7. Muryaley

8. Daniga Balow

9. Buula Xansholey.