12/2/2022
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 29, 2022
Dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab oo guulo ka kala sheegtay dagaal culus oo Maanta ka dhacay deegaanka Ceel qooxle
 

Khamiis, September, 29, 2022 (HOL) - Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Soomaaliyeed Jenaraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa faahfaahin ka bixiyay khasaaraha dagaal culus oo Maanta ka dhacay deegaanka Ceel qooxle ee gobolka Hiiraan, kaasoo dhexmaray ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka oo dhinac ah iyo Ururka Al-shabaab.

Taliye Biixi oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in dagaalkii Maanta ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka oo iskaashanaya ay Al-shabaab la galeen in jab xoogan lagu gaarsiiyay Shabaab oo looga gubay gaadiid dagaal, islamarkaana dagaalka looga dilay ku dhawaad 40 ka mid ah dagaalamayaashooda.

Dagaalka Ceel qooxle Saakay ka dhacay ayaa la tilmaamay inuu ahaa midkii ugu xoogana ee dhawaanahaan ku dhexmara gudaha gobolka Hiiraan ciidanka dowladda, kuwa dadka deegaanka oo dhinac ah iyo kuwa Al-shabaab, waxaana dadka dagaalkaasi ku dhintay ka mid noqday Nabadoon Cilmi Hagar Guure oo ka mid ahaa nabadoonada hormuudka u ahaa in Al-shabaab laga saaro deegaano badan oo ka tirsan Hiiraan.

Dhinaca kale Al-shabaab oo dhankooda war kasoo saartay dagaalka Maanta ka dhacay deegaanka Ceel qooxle ee gobolka Hiiraan waxay sheegeen in dagaalkaasi ay ku dileen 20 askari, saraakiil ciidan iyo Nabadoon Cilmi Hagar oo ay ku sheegeen nin dagaal galiye ahaa.

Deegaanka Ceel qooxle oo saakay dagaalka culus ka dhacay ayaa haatan ah mid degan, waxaana wali ku sugan deegaankaasi oo gacanta ku haya ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka oo dhawaan la wareegay gacan ku heynta deegaankaasi oo qiyaastii 40 KM dhinaca bari kaga beegan degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan.












Click here
9/29/2022 1:14 PM EST
Khamiis, September, 29, 2022 (HOL) - Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya Cali Maxamed Cumar ayaa sheegay inay caqabad ku tahay soo celinta kumannaanka askari ee ku maqnaa dalka Eritrea tan iyo markii ay soo dhameysteen tababar ciidan.

9/29/2022 10:52 AM EST
Khamiis, September, 29, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga tacsiyeeyay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka reer Hiiraan geeridii ku timid Nabaddoon Cilmi Hagar Guure oo uu sheegay inuu ka mid yahay halgameyaasha Soomaaliyeed ee u shahiiday difaaca dalkooda iyo dadkooda.

9/29/2022 6:21 AM EST
Khamiis, September, 29, 2022 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa ku dhawaaqday in raad shidaal laga helay deegaanka Baha Dhamal oo u dhow caasimada Hargaysa.

9/29/2022 6:03 AM EST
Khamiis, September, 29, 2022 (HOL) - Wasiirkii hore ee maaliyadda maamulka Puntland, Xasan Shire Abgaal ayaa sheegay inay Puntland u baahan tahay in laga badbaadiyo halka uu ku wado madaxweyne Deni.

9/29/2022 5:17 AM EST
Khamiis, September, 29, 2022 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya deegaanka Ceel qooxle ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaal xoogan oo Maanta ka dhacay halkaasi in dadka ku dhintay uu ka mid noqday Allah u naxariistee Nabadoon Cilmi Hagar Guure oo ka mid ahaa Nabadoonada sida weyn caanka uga ahaa gobolka Hiiraan.

9/29/2022 3:39 AM EST
Khamiis, September, 29, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya deegaanka Ceel qooxle oo qiyaastii 40 KM dhinaca bari kaga beegan degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi uu ka socdo dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo ciidanka dadka deegaanka oo dhinac ah iyo kuwa Al-shabaab.

9/29/2022 3:17 AM EST
Khamiis, September, 29, 2022 (HOL) - Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Xil.Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa kulan doceed la yeelatay dhigeeda Dalka Qatar, Mudane Jassim Saif Ahmed Al-Sulaiti iyo Madaxweynaha Hay’adda Duulista Hawada Dalka Imaaraadka Carabta, Sh. Ahmed bin Saeed Al Maktoum.

9/29/2022 1:06 AM EST
Khamiis, September, 29, 2022 (HOL) - Puntland ayaa sheegtay inay gacanta ku dhigtay dagaalamayaal katirsan Al-Shabaab, kuwaas oo loo maleynayo inay kasoo carareen howlgallada ka socda gobolada Hiiraan iyo Galgaduud.