4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 29, 2022
Somaliland: Meel ceel biyood laga qodayay oo raad shidaal laga helay
 

Khamiis, September, 29, 2022 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa ku dhawaaqday in raad shidaal laga helay deegaanka Baha Dhamal  oo u dhow caasimada Hargaysa.

Dareere madow oo shidaal u eg ayaa hal mar kasoo booday goob laga qodayay ceel-biyood sida lagu arkay muuqaalo lagu baahiyay baraha bulshada, isla markaana uu xaqiijiyay Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland Cabdillaahi Faarax Cabdi.

"Meeshaas riig ayaa laga qodayay, oo wasaarada biyuhu ka qodaysay meel ilaa 5 kilomitir xaga waqooyi ka xigta tuulada, riigii markuu marayo 340 mitir, ayaa waxa kasoo baxay dareere aad u madow, oo aan hore loo arag" ayuu yidhi Wasiir Faarax.

Waxa uu wasiir Faarax sheegay in markii khuburada wasaaradu eegeen uu dareeraha la helay leeyahay astaamihii saliida qaydhiin, isla markaana, baadhitaan buuxa lagu samayn doono.

"Saddex calaamadood oo saliidu yeelan kartaba way ka muuqdaan, midabkii madoobaa wuu ka muuqdaa, urtii ilaa xad way ka muuqata, waxa ka muuqda dufan" ayuu yidhi Wasiir Faarax.

Waxa uu sheegay in deegaankan raadka shidaalka laga helay, ay shirkada caalamiga ah ee shidaalka baadha ee Genel Energy, ay sannadkii 2017 shidaal sahamin ka samaysay, oo ay ahayd deegaan lagu tuhunsanaa in uu shidaal ku jiro.



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]