4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 29, 2022
Xasan Shire Abgaal: Waxaan ku baaqayaa in Puntland laga badbaadiyo madaxweyne Deni
 

Khamiis, September, 29, 2022 (HOL) - Wasiirkii hore ee maaliyadda maamulka Puntland, Xasan Shire Abgaal ayaa sheegay inay Puntland u baahan tahay in laga badbaadiyo halka uu ku wado madaxweyne Deni.

Xasan Shire Abgaal oo maanta xilka wareejiyay,  ayaa ku tilmaamay sababta xilka looga qaaday inay ahayd, kadib markii isaga iyo madaxweyne Deni ay isku qabteen doorashada 12 degmo oo oo Deni uu doonayo in la qabto ka hor inta aan la gaarin doorashada madaxtinimada 2024.

Wasiirkii hore ee maaliyadda wuxuu sidoo kale sheegay inay madaxweyne Deni isku maandhaafeen tartankii doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo uu tilmaamay inay salluug ka qabeen dadka Reer Puntland.

Abgaal oo kamid ahaa saaxiibada dhow ee madaxweyne Deni iyo ragga ugu awoodda badnaa golaha wasiiradda, ayaa ugu baaqay madaxweyne ku xigeenka, Axmed Karaash iyo golaha wakiiladda inay badbaadiyaan Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa todobaadkii hore shaqada ka eryay wasiir Abgaal iyo dhowr xubnood oo kale oo katirsanaa golaha wasiiradda Puntland. halka kuwa kalena lagu sameeyay isku shaandhayn.

Xil ka qaadidiisa waxaa loo arkayay inay qeyb tahay qorshe uu madaxweyne Deni ku doonayo inuu meesha ka saaro cid kasta oo caqabad ku ah siyaasadiisa ku wajahan doorashada 2024.

Madaxweyne Deni ayay ka go'an tahay in ololaha doorashada soo socota uu ku galo qabashada in ka badan 10 degmo oo u qorshaysan inuu ka fuliyo doorasho shacabku codkooda kusoo dooranayaan golayaasha heer deegaan.

Xasan Shire iyo siyaasiyiin oo uu damac weyn laga jiro doorashada soo socota, ayaa la filayaa inay mucaaradnimo kala horyimaadeen doorashada nidaamka axsaabta badan.