4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 29, 2022
Soomaaliya oo dalalka Qatar iyo Imaaraadka Carabta iskaashi kala yeelanaysa Duulista Hawada
 

Khamiis, September, 29, 2022 (HOL) - Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Xil.Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa kulan doceed la yeelatay dhigeeda Dalka Qatar, Mudane Jassim Saif Ahmed Al-Sulaiti  iyo Madaxweynaha Hay’adda Duulista Hawada Dalka Imaaraadka Carabta, Sh. Ahmed bin Saeed Al Maktoum.

Kulamadan ayaa looga hadlay iskaashiga dhinacyada, Gaadiidka dhulka ,cirka , Duulista Hawada , tababarada iyo horumarinta shuruucda.

“Dunidda maanta waxay boggaadinaysaa horumarka muddada yar aan sameynayno, balse hiigsigeenu intaa kuma filna, waxaan dooneynaa dalkeenna inuu noqdo kan u sarreeya waddamada gobolka.” Wasiir Fardowsa ayaa sida sheegtay.

Kulamadan ayaa qeyb ka ah kulan doceedyo ay Wasiirka  Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS , Xil. Fardowsa Cismaan la qaadaneyso wasiirrada , ururrada iyo wakiilada hay’adaha caalamiga ah ee ka qeybgalaya kalfadhiga 41-aad ee Golaha Hay’adda Duulista Hawada Adduunka ee ICAO.