4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 24, 2022
Madaxweynaha Soomaaliya oo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay kala hadlay Xaalada Soomaaliya
 

Sabti, September, 24, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres oo ay ka wada hadleen xaalada guud ee dalka Soomaaliya iyo taageerada ay u baahan tahay dowladda.

Madaxweyne Xasan ayaa Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u bandhigay in Maalaayiin Soomaali ah ay haatan gudaha dalka kula dhibaateysan yihiin abaaro baahsan oo ka jira inta badan gobolada dalka Soomaaliya, isagoona sidoo kale la wadaagay howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolada dalka iyo kaalinta Qaramada Midoobay ay ka qaadan karto, qorshaha dowladda Federaalka iyo xoojinta dhaqdhaqaaqyada haatan socda.

Antonio Guterres ayaa si weyn u soo dhaweeyay warbixinta uu la wadaagay madaxweynaha dowladda Soomaaliya ee la xiriirtay dib u qaabaynta Mashaariicda horumarineed ay ka fuliyaan Qaramada Midoobay gudaha Soomaaliya, isagoona intaas ku daray in qorshaha ku salaysan wax ka abashada abaarta saameynta badan ku reebtay nolosha dad badan oo Soomaaliyeed, taasina uu sheegay inay tahay arrinta ugu weyn ee Qaramada Midoobay ka fakirayso si loo gacan qabto qoysaska cunno la'aanta iyo biyo la’aanta haysato.

Hay'addaha hoostaga Qaramada Midoobay ayaa dhowr jeer oo hore waxay soo saareen warbixino is xigxigay oo ay ku sheegayeen halista ka dhalan karta gargaar la’aanta haysata qoysaska Soomaaliyeed ee abaartu saamaysay oo hadii aysan gargaar deg deg ah helin wajahi doonaan halis ka dhalan karta in naftooda ku waayaan abaarta.