4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 23, 2022
Maamulka Puntland oo ka horyimid go'aan kasoo baxay dowladda Soomaaliya
 

Jimco, September, 23, 2022 (HOL) - Maamul goboleedka Puntland ayaa si cad uga soo horjeestay go'aan kasoo baxay Wasaaradda Kaluumeyaiga dowladda Fedaraalka Soomaaliya, kaasoo ahaa in cid aan aheyn dowladda Soomaaliya aysan bixin karin shatiga Kaluumeysiga.

Wasaaradda Kaluumeysiga dowlad goboleedka Puntland ayaa warsaxafadeed ay soo saartay waxay ku sheegtay in Dastuurka dalka qodobkiisa 44-aad uu cadeynayo in qeybsiga kheyraadka dalka ay ka wada xaajoon karaan dowladda Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah, iyada oo loo marayo qaab dastuuri ah, waxaana sharci daro ay ku tilmaamtay Wasaaradda Kaluumeysiga Puntland wax walba oo kasoo horjeeda qodobka 44-aad.

Warsaxafadeedka kasoo baxay maamulka Puntland oo ahaa mid aad u dheer oo ka kooban laba bog ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay hadii la xumeeyo qodobka Dastuuriga ah ee sheegaya in qeybsiga kheyraadka dalka ay ka wada xaajoon karaan dowladda Feederaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah, inay keeni karto amni darro iyo xasilooni siyaasadeed.

Waxaa sidoo kale qoraalka kasoo baxay Puntland lagu tilmaamtay in qoraalka Wasaaradda kaluumeysiga dowladda Fedaraalka uu si toos ah u baalmarsan yahay heshiiyadii ka dhacay Magaalooyinka Baydbabo iyo Addis Ababa ee qeexayay hab qeybsiga kheyraadka badda ee Soomaaliya.

Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka oo dhameystiran:-