4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 22, 2022
Puntland oo gacanta ku dhigtay ninkii sameeyay qaraxii ka dhacay Tuulada Milxo ee lixda qof ku dhinten
 

Khamiis, September, 22, 2022 (HOL) - Puntland ayaa sheegtay inay gacanta ku dhigtay ninkii sameeyay qarax ay lix qof ku dhinteen oo ka dhacay tuulada Macdanta laga qodo ee Milxo oo hoos tagta degmada Laasqorey ee gobolka Sanaag.

War qoraal kasoo baxay hay’adda PSF ayaa lagu sheegay in ninkaan oo katirsanaa Alshabaab lagu qabtay magaalada Boosaaso, kadib markii hay’addaha amnigu baaritaan sameeyeen ayna ogaadeen inuu yahay shakhsigii maleegay qaraxa.

Ugu yaraan lix qof ayaa ku geeriyooday qaraxaas, halka ay 11 kale ku dhaawacmeen. Taliska PSF ayaa sheegay inay ninkan kusoo qabteen howl gal qorshaysan oo ay ka fuliyeen Bosaso.

Waxay ku tilmaameen inuu ahaa farsamo yaqaan ku takhsusay sameynta waxyaabaha Qarxa. Ciidanka PSf ayaa horey gacanta ugusoo dhigay shakhsiyaad dhowr ah oo katirsanaa Alshabaab iyo Daacish, kuwaas oo dhawaan maxkamadda ciidamadu ay dil ku xuntay.

Deegaanka Milxo ee qaraxa ka dhacay waa deegaan ay ku nool yihiin dad xoogsato ah oo ka shaqeysta qodista dhulka si ay macdan uga baaraan.

Alshabaab ayaa meelo ku dhow deegaankaas ku sugan. Waxaana dhowr dhacay iska hor imaad u dhaxeeya Alshabaab iyo xoogsatada deegaankaas.