10/1/2022
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 20, 2022
Al-shabaab oo 10 sano kadib lagala wareegay deegaanka Booco ee gobolka Hiiraan
 

Talaado, September, 20, 2022 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya deegaanka Booco ee gobolka Hiiraan oo qiyaas ahaan magaalada Baledweyne kaga beegan dhanka Koonfureed ilaa 45 KM ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa dib u xureynta deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleey ay goordhaw oo Maanta ah la wareegeen deegaankaasi.

Ciidamada Maanta la wareegay deegaanka Booco waxaa hoggaaminaayay guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan iyo saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed guutada 5-aad qeybta 27-aad ee ka howlgasha gobolka Hiiraan.

Majirto wax dagaal ah oo ka dhacay deegaanka Booco, waxaana la sheegay in  ciidankii Al-shabaab ee ku sugnaa deegaankaasi ay isaga baxeen deegaanka ka hor inta aysan gudaha u galin ciidamada iskaashanaya ee xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dib u xureynta deegaanka.

Deegaanka Booco waxa uu ka mid ahaa deegaanada Al-shabaab ay ka talinayeen dhowr iyo tobankii sano ee lasoo dhaafay, waxana halkaasi ugu yaalay Maxkamado ay u garsoor tagi jireen dadka ku dhaqan Baledweyne iyo Saldhigyo waa weyn, waana markii ugu horeysay oo ay ciidamada dowladda deegaankaasi gacanta ku dhigaan mudo ka badan 10 sano.

Bishii June ee sanadkaan ayay aheyd markii Maleeshiyo beeleed is abaabulay ay weerar xoogan ku qaadeen deegaanka Booco, kuwaas oo ka carooday dil Al-shabaab ay u geysteen Nabadoonkooda oo lagu magacaabi jiray Cali Macalin Maxamuud Cali Dheere oo si weyn looga yaqiinay gobolka Hiiraan.













Click here
9/20/2022 1:07 PM EST
Talaado, September, 20, 2022 (HOL) - Ururka ONLF ayaa sheegay inuu gabi ahaanba ka baxay ka qaybgalka shirkii wada tashi ee maalmo ka hor ku heshiiyeen xisbiyada degaanka in la qabto.

9/20/2022 11:19 AM EST
Talaado, September, 20, 2022 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur iyo Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jenaraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa Maanta kormeer ku tagay deegaano hoostaga degmada Buulaburte oo dhawaan laga saaray Al-shabaab.

9/20/2022 11:12 AM EST
Talaado, September, 20, 2022 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa xisbiga Waddani ku eedaysay in aanu difaacin qaranimada Somaliland, waxayna soo jeedisay in baadhitaan lagu sameeyo sababta.

9/20/2022 9:03 AM EST
Talaado, September, 20, 2022 (HOL) - Muna Xasan oo loo yaqaano Muno Axlaa, oo ah gabadh dhalliyaro ah oo arrimaha bulshada u dhaqdhaaqi jirtay, taasoo hadda dhibbane u ah waxyeello kasoo gaartay qalliin lagu sameeyay, ayaa dacwad ka gudbisay isbitaalka Yardemeli.

9/20/2022 8:36 AM EST
Talaado, September, 20, 2022 (HOL) - Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa Maanta dagaal xoogan Al-shabaab ugala wareegay gacan ku heynta deegaanka Sinadhaqo oo dhinaca Koonfureed kaga beegan magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug.

9/20/2022 8:16 AM EST
Talaado, September, 20, 2022 (HOL) - Puntland ayaa ku eedeeysay Somaliland daandaansi dagaal, kadib markii shalay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu tagay Tukaraq oo 70km u jirta magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.

9/20/2022 7:29 AM EST
Talaado, September, 20, 2022 (HOL) - Xildhibaano tirradooda ku sheegay 46 xildhibaan, oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa kasoo horjeestay, wax ka badalkii uu goluhu shalay ku sameeyay xeerka doorashooyinka.

9/20/2022 3:12 AM EST
Talaado, September, 20, 2022 (HOL) - Waxaa Xalay magaalada Muqdisho ku geeriyooday Xildhibaan Maxamed Mursal Boorow oo ka mid ahaa mudanayaasha Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya oo laga soo doortay deegaanada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaana la sheegay in Xildhibaanka uu mudooyinkii dambe ku xanuunsanaayay gudaha magaalada Muqdisho.

9/20/2022 1:39 AM EST
Talaado, September, 20, 2022 (HOL) - Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday inay bixisay in ka badan 700 oo milyan oo dollar si wax looga qabto dhibaatooyinka abaareed ee waxyeeleeyay ​​kala bar dadka Soomaaliyeed.

9/20/2022 1:25 AM EST
Talaado, September, 20, 2022 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in in ka badan 100 ka tirsan Alshabaab lagu dilay howlgalo 72-kii saac ee lasoo dhaafay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay ka fuliyeen tuulooyinka Yasooman iyo Aboorey ee gobolka Hiiraan.