Hiiraan Online
1/27/2025
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Axad, Sept 18, 2022
Shiinaha oo Soomaaliya ka taageeraya horumarinta Duulista iyo Gaadiidka
Axad, September, 18, 2022 (HOL) - Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Xil. Fardowsa Cusmaan Cigaal ayaa maanta xafiiska ku qaabishay Safiirka Dawladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya , Amb. Fei Shengchao.
Kulan ay yeesheen ayaa looga hadlay wada shaqeynta dhinacyada Duulista iyo Gaadiidka, iyadoo Safiirka Shiinaha uu ballanqaaday inay door muuqda ka qaadanayaan hannaanka casriga ah ee loo qalabeynayo dhismaha xarunta Hay’adda , tabbabarada Shaqaalaha hay’adda iyo horumarinta siyaasadaha iyo shuruucda Gaadiidka.
“Shiinaha waa dal ka mid ah kuwa ugu horreeya dunidda ee Duulista iyo Gaadiidka , si loo gaaro hiigsigeenna horumarinta wuxuu Safiirka inuu xaqiijiyay tallaabooyinka u horreeya ee horumarinta Hay’adda Duulista.” Wasiir Fardowsa ayaa sida sheegtay.
Wasiirka ayaa xaqiijisay iskaashiga Shiinaha inuu sidoo kale gacan ka geysanayo adeegyada Duulista iyo Gaadiidka Soomaaliya inay noqdaan kuwa u sarreeya ee gobolka.