6/3/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 18, 2022
Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo Al-shabaab kala wareegay deegaano dhowr ah oo hoostaga degmada Buulaburte
 

Axad, September, 18, 2022 (HOL) - Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa dib u xureynta deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleey ayaa saacadahii lasoo dhaafay Al-shabaab kala wareegay deegaano dhowr ah oo hoostaga degmada Buulaburte ee gobolka Hiiraan.

Deegaanada ciidamada iskaashanaya ay la wareegeen ayaa kala ah Abooreey, Sagaalgeed, Geedasamo, Inameey iyo Tardo oo ah dhamaan ah deegaano ku yaala Bariga degmada Buulaburte ee gobolka Hiiraan.

Howlgalada ciidamada iskaashanaya ay kula wareegeen deegaanada hoostaga degmada Buulaburte waxaa qeyb ka ahaa Xildhibaan Cabdimaalik Cabdalla oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ee deegaan doorashadoodu tahay gobolka Hiiraan.

Xidhibaanka oo warbaahinta kula hadlay jiidaha hore ee dagaalka ayaa isagoo ku sugan deegaanka Abooreey waxa uu sheegay in dagaaladii shabaab ay kula galeen deegaanada hoostaga Buulaburte ay kaga ad kaadeen, islamarkaana ay sii wadayaan howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab ee looga saarayo deegaanada gobolka Hiiraan.

“Ciidamada dowladda oo kaashanaya dadka deegaanka waxay gacanta ku dhigeen deegaanka Aboorey oo Al-shabaab ay haysteen muddo ka badan 10 sano, jab xoogan ayaan ku gaarsiinay Alle mahadis waaye, waana sii wadeyna dagaalada ka dhanka ah Shabaabka k sugan dhul weynaha Hiiraan” ayuu yiri Xildhibaan Cabdimaalik Cabdalla.

Magaalada Buulo Burte oo dhacda bartamaha gobolka Hiiraan iyo deegaanada hoostaga ayaa mudo ku dhaw 10 sano go'doon ugu jirta dagaalamayaasha Al-shabaab oo magaaladaasi go'doomiyay sanadkii 2014-kii xiligaas oo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Jabuuti ay Al-shabaab kala wareegeen gacan ku heynta magaaladaasi.












Click here
9/18/2022 4:29 PM EST
Axad, September, 18, 2022 (HOL) - Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya , Xil. Biixi Iimaan Cige iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qeybgalay furitaanka shir weynaha 48aad ee Shaqada Jaamacadda Carabta.

9/18/2022 3:10 PM EST
Axad, September, 18, 2022 (HOL) - Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Xil. Fardowsa Cusmaan Cigaal ayaa maanta xafiiska ku qaabishay Safiirka Dawladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya , Amb. Fei Shengchao.

9/18/2022 10:04 AM EST
Axad, September, 18, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa afxumo ku tilmaamay hadalkii uu madaxweynaha Soomaaliya ku sheegay in aanu aqbalayn madaxbannaanida Somaliland.

9/18/2022 6:59 AM EST
Axad, September, 18, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inay guulo ka soo hooyeen dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

9/18/2022 5:46 AM EST
Axad, September, 18, 2022 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya deegaanka Ceel Jiqoow oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ay goordhow oo Maanta ah gubeen dhamaan guryahii iyo Ceel biyoodkii ku yaalay deegaakaasi.

9/18/2022 5:39 AM EST
Axad, September, 18, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo u jeedinaayay khudbad dhinacyo badan taabaneyso oo quseysa arrimaha Soomaaliya Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Washington ee dalka Mareykanka ayaa ka dalbaday iney garab istaagaan Walaalahooda ku dhibaateysan gudaha Soomaaliya ee abaartu saameysay.

9/18/2022 5:35 AM EST
Axad, September, 18, 2022 (HOL) - Puntland ayaa maxkamad horkeentay wasiir ku xigeenkii hore ee kalluumeysiga Puntland Cabdirixmaan Salaad Jowle.

9/18/2022 5:32 AM EST
Axad, September, 18, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ka jawaabaya hadalkii madaxweynaha Soonaaliya ee ahaa "Ma ogoli gooni isutaaga Somaliland", ayaa sheegay in madaxbannaanida Somaliland tahay go'aan shacbi oo aan la badali karin.

9/18/2022 2:07 AM EST
Axad, September, 18, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sheegay inay dowladdiisa kasoo horjeedo wax kaste ah oo gacan ka geysanaya gooni isku taaggaa Somaliland.