4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 17, 2022
Soomaaliya iyo Mareykanka oo ku heshiiyay inay iska kaashadaan dagaalka ka dhanka ah Alshabaab
 

Sabti, September, 17, 2022 (HOL) - Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa ku heshiiyey in ay iska kaashadaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda Geeska Afrika.

War saxaafadeed ka soo baxay Villa Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu kala hadlay la-taliyaha dhanka amniga qaranka Mareykanka ee dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.

"Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu Aqalka Cad kula kulmay La-taliyaha Amniga Qaranka ee Mareykanka Jake Sullivan46 iyo La-taliyaha Amniga gudaha Liz Sherwood-Randall, si uu ugala hadlo dagaalka socda ee lagula dagaallamayo argagixisada caalamiga ah, Mareykanka ayaa weli ah saaxiibka muhiimka ah ee dadaallada amniga iyo xasilinta Soomaaliya," ayay tiri Villa Somalia.

Arrintan ayaa imaanaya iyadoo dowladda Soomaaliya ay xoojisay howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya.