4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 16, 2022
Maraykanka oo madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ku bogaadiyay dagaalkiisa ka dhanka ah Al-Shabaab
 

Jimco, September, 16, 2022 (HOL) - Dowladda Mareykanka ayaa bogaadisay dadaallada uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku galay dagaalka ka dhanka ah kooxda Alshabaab. Waxayna ballan qaaday in ay sii wadayaan taageerada ay ku xaqiijinayaan nabadda iyo xasilloonida dalka Geeska Afrika.

Xoghayaha difaaca ee Maraykanka Austin Lloyd ayaa hadalkan sheegay kadib kulan uu madaxweyne Maxamuud kula yeeshay xarunta Pentagon-ka habeenimadii xalay.

Xoghaye Lloyd "wuxuu ku ammaanay hoggaanka madaxweyne Xasan Sheekh dib-u-kicinta ciidamada ammaanka Soomaaliya iyo sida uu ula falgalayo saaxiibada Mareykanka iyo kuwa caalamiga ah, "sida lagu yiri war kasoo baxay Pentagon-ka.

Labada dhinac waxay ka wadahadleen shaqada uu maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh ka qabtay ka hortagga Alshabaab Soomaaliya iyo taageerada ay Wasaaraddu siiso ciidamada ammaanka Soomaaliya.

Xoghaye Austin ayaa xaqiijiyay inay ka go’an tahay ka hortagga xagjirnimada rabshadaha wata, wuxuuna muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh inuu martigeliyo ciidamada Mareykanka.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa la filayaa inuu maanta la kulmo madax kale oo ka tirsan dowladda Mareykanka iyo madaxda hay’adda lacagta adduunka ee IMF, taasoo qeyb ka ah booqashadiisa ka hor inta uusan u ambabixin magaalada New York ee dalka Mareykanka oo uu kaga qeyb galayo shirka golaha guud ee Qaramada Midoobay.