4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 16, 2022
Dowladda Soomaaliya oo ugu baaqday dagaalamayaasha Al-Shabaab in ay isa soo dhiibaan ka hor inta aysan tallaabo qaadin
 

Jimco, September, 16, 2022 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa ugu baaqday Al-Shabaab in ay isku soo dhiibaan ciidamada ammaanka si looga fogaado in la dilo, waxayna dowladdu wacad ku martay in ay kordhin doonto weerarada ka dhanka ah Alshabaab.

Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in dagaalamayaasha Alshabaab laga caawin doono dhaqan celinta iyo dib loogusoo celiyo bulshada.

Wasaaradda warfaafinta ayaa sheegtay in ciidamada xoogga dalka ay sii wadi doonaan howlgallada lagu ugaarsanayo kooxaha nabad diidka ah ee ku sugan guud ahaan dalka, iyagoo kaashanaya bulshada deegaanka.

Hadalkan ayaa yimid kadib markii ciidamada Danab howlgal ay ka fuliyeen deegaanka Buq-aqable ay ku dileen 18 ka tirsan Al-Shabaab.

Horraantii todobaadkan, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay muwaadiniinta inay ka fogaadaan meelaha ay maamulaan Alshabaab ka hor inta aan la qaadin weeraro waaweyn oo ka dhan ah kooxda Alshabaab.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in dhinac walba laga hortegi doono, isagoo xusay in lagu qaadi doono weerarro xagga cirka ah oo ay ka mid yihiin duullaanno lagu wiiqayo joogitaankooda Soomaaliya.