4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 11, 2022
Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo Muqdisho kulamo kula qaatay diblumiyaasiyiinta shisheeye
 

Axad, September, 11, 2022 (HOL) - Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee xukuumada Soomaaliya, Abshir Cumar Jaamac Haruuse, ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay diblomaasiyiin shisheeye.

War saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in wasiirku uu la kulmay safiirrada dalalka Talyaaniga, Imaaraadka, Midowga Yurub iyo Shiinaha, si kor loogu qaado diblomaasiyadda arrimaha dibadda.

Inta uu socday kulanka ay wada qaateen Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya FEI Shengchao ayaa waxay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal.

“Abshir Cumar Jaamac waxa uu Muqdisho ku qaabilay Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, FEI Shengchao, waxaana ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo khuseeya danaha guud, oo ay ku jirto xoojinta rajada laga qabo iskaashiga faa’iidada u leh labada dhinac,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Wasiirka ayaa saacado kadib waxa uu kulamo la qaatay safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Marwo Tiina Intelmann,iyagoo ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa loona horumarin lahaa iskaashiga Soomaaliya iyo midowga Yurub, si loo fuliyo mashaariic horumarineed iyo istiraatijiyad iskaashi.

Wasiir Abshir Haruuse ayaa sidoo kale ku qaabilay Muqdisho safiirka dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya, Alberto Vecchi oo ay ka wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga heerar kala duwan.

Waxaa uu sidoo kale warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Mohamed Ahmed Othman El-Hamadi, safiirka Imaaraadka Carabta.