4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 10, 2022
Madaxda dowladda Fedaraalka iyo kuwa Maamul goboleedyada dalka oo shir isugu imaanaya Muqdisho
 

Sabti, September, 10, 2022 (HOL) - Waxaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho maalmaha soo socda uu ka furmo shir u dhaxeeya madaxda dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo madaxweynayaasha maamul goboleedyada dalka, si xal looga gaaro caqabado badan oo la tilmaamay iney ka dhex jiraan dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada dalka.

Shirka ayaa wararka hordhaca ah ee aan heleyno ay sheegayaan inuu furmi doono maalinta Isniinta ah, waxaana madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada dalka waxay uga wada hadli doonaan arrimo ay ka mid yihiin xiriirka labada dhinac, Amniga, la dagaalanka Al-Shabaab, Abaaraha iyo qodobo kale.

Abaabulka iyo diyaar garoowga shirka madaxda dowladda Fedaraalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ee lagu wado inuu Muqdisho ku dhexmaro labada dhinac ayaa si weyn looga dareemaya diyaar garoowgiisa Madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa noqday madaxweynahii ugu horeeyay ee maamul goboleedyada dalka oo Maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho, waxaana garoonka Aadan cadde kusoo dhaweeyay Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo masuuliyiin kale.

Waxaa sidoo kale la filayaa in Maanta iyo berito ay soo gaari doonaan magaalada Muqdisho madaxweynayaasha kale ee dowlad goboleedyada kala ah Koonfur Galbeed, Galmudug, Puntland iyo Hirshabeelle.