4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 31, 2022
Xildhibaanno katirsan barlamaanka Soomaaliya oo xubnin ka noqday barlamaanka Pan-African
 

Isniin, October, 31, 2022 (HOL) - Xildhibaan Aadan Maxamed Nuur (Saransoor), Xildhiban Cabdiraxman M. Xuseen (Odowaa), Xildhiban Maxamed Jaamac Mursal (Geele) iyo Xildhibaan Gobsan Maxamed Cumar, ayaa loo dhaariyey xubinimada Pan-African Parliament.

Xildhibaannadan ayaa Soomaaliya ku metelidoona barlamaanka Pan-Africa 4-ta sano ee soo socota.

Kalfadhigii 1aad ee caadiga ahaa ee Baarlamaanka Lixaad ee Pan Afrika (PAP) ayaa lagu meel mariyay afarta xildhibaan ee matalaya Soomaaliya.

Pan-African barlamaan, oo ah barlamaan ka dhaxeeya Afrikoo idil, ayaa loo dhisay si loo hubiyo in shucuubta Afrika ay si buuxda uga qayb qaataan horumarinta dhaqaalaha iyo isdhexgalka qaaradda.

Waxaa loogu talagalay inay noqoto madal dadka ka socda dawladaha Afrika inay ka qaybqaataan doodaha iyo go'aan ka gaarista dhibaatooyinka iyo caqabadaha ka jira qaaradda.

Baarlamaankan wuxuu fadhigiisu yahay magaalada Midrand, ee waddanka Koonfur Afrika.