4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 30, 2022
Shirkadaha Hormuud iyo Dahabshiil oo boqolaal kun oo dollar ugu deeqay dadkii dhibaatadu kasoo gaartay Qaraxyadii Soobbe
 

Axad, October, 30, 2022 (HOL) - Shirkadaha waddaniga ah ee Hormuud Salaam Foundation iyo Dahabshiil Group ayaa waxay gargaar dhaqaale oo kala duwan ugu deeqeen dadkii ku  dhaawacmay qaraxyadii ka dhacay Soobbe iyo ganacsatadii hantidooda ku weyday.

Shirkadda Dahabshiil ayaa $500,000 ugu deeqday dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadaasi. Shirkaddu waxay $250,000 ugu deeqday dadka dhaawaca ah, halka $250,000 kalena la siin doono ganacsatadii yaryarayd ee ganacsigoodii ku waayey qaraxa, iyadoo dhamaantood loogu shubi doono account-kooda edahab.

Shirkadda waxay deeqdan u xilsaartay guddi madax bannaan oo kormeeri doona qaybinta deeqda, Sidoo kale, shirkadda Dahabshiil group waxa ay dhaafi doontaa dhammaan khidmadaha laga qaado dadka doonaya in ay lacago tabarrucaad ah sii marsiiyaan guddiga madaxa bannaan ee Dahabshiil Group.

Dhinaca kale, shirkada Hormuud qeybteeda gargaaarka iyo hormarinta bulshada ee Hormuud Salaam Foundation ayaa dhankeeda deeq lacageed oo gaaraysa $200,000 ugu deeqday dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii shalay ka dhacay isgoyska Zoobe.

Waxaa sidoo kale ka qayb-qaatay kaalmadaan gurbmadka ah sharikadaha BECO ($50,000) iyo ASTAA$20,000) oo dhaqaalahaas uga qayb-qaatay kaalmada dadkii dhibka ka soo gaaray labadii qarax.


Gudoomiyaha hay’adda Hormuud Salaam Foundation C/laahi Nuur Cusman oo  dadka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyey musiibadii shalay ka dhacday Zoobe kana hadlay deeqda iyo sida ay hay’ada uga   qeybqaadatay gargaarka dadka waxyeelada soo gaartay.

Agaasimaha isbitaal Banaadir Fartuun shariif ayaa ka mahadcelisay deeqda hay’adda Hormuud Salaam Foundation ay ugu deeqday dadka ay waxyeelada kasoo gaareen qaraxyadii  ka dhacay mgaalada Muqdisho..

Shirkadaha Hormuud Salaam foundation iyo Dahabshiil ayaa kamid ah shirkadaha mar walba ka qeyb qaata gargaarka bulshada Soomaaliyeed marka ay dhacaan musiibooyinka.