4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 30, 2022
Madaxtooyada Somaliland oo war kasoo saartay arrinta doorashooyinka
 

Axad, October, 30, 2022 (HOL) - Qoraal kooban oo lagu baahiyay boga Twitterka ee Madaxtooyada Somaliland, ayaa lagu sheegay in doorashooyinka soo socda sida ugu dhakhsaha badan loo qabanyo iyadoo la raacayo jadwalka guddida doorashooyinka.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in guddida doorashooyinku ay haysato agabkii lagama maarmaanka u ahaa qabashada doorashooyinka, kadib ansixinta golaha wasiiradu ansixiyay miisaaniyada doorashooyinka ee sannadka 2023.

"Ansixinta miisaaniyadda Somaliland ee 2023-ka, Komishanka Doorashooyinka Qaranku waxa uu haystaa agabkii lagama maarmaanka u ahaa in la bilaabo hawsha diwaangelinta codbixiyayaasha, taas oo noo suurtogelinaysa in sida ugu dhakhsaha badan ee suurtogalka ah loo qabto doorasho 2023 ka, iyadoo la raacayo jadwalka Komishanka Doorashooyinka Qaranka".

Guddida doorashooyinka Somaliland ayaa hore u sheegtay in ay doorashada madaxtooyada ku qaban karaan muddo 9 billood ah, manay xusin xiliga ay qabanayaan doorashada urrurada, arrintaasi oo axsaabta mucaaradka ahi aad usoo dhawaysay.

Hadaba, qoraalka madaxtooyada ee maanta wax faah faahina lagama bixin waxa looga jeedo raacista jadwalka Guddida Doorashooyinka Somaliland.



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]