4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 30, 2022
Xukuumadda dowlad degaanka Soomaalida oo digniin u dirtay dad ay ku sheegtay inay fidinayaan Xagjirnimo, Cunsuriyad iyo Fowdo
 

Axad, October, 30, 2022 (HOL) - War murtiyeed shalay oo Sabti ahayd kasoo baxay dhinaca Xukuumadda dowlad degaanka Soomaalida ayaa lagaga hadlay dhacdadii dhawaan ka dhacday garoonka diyaaradaha ee Jigjiga, iyo siday dadku uga falciliyeen iyadoo dowladdu ay sheegtay in dad dano kale wata ay gabaad ka dhiganayaan falcelinta shacabka ee la xiriirta dhacdadaas.

Hadaba dowladdu waxay si gaar ah u sheegtay ama digniin ugu dirtay dadyow ama ururo ay sheegtay inay isku dayayaan inay dhacdadaas dhacday falcelinteeda uga faa'iideeystaan inay kiciyaan oo ay abuuraan waxyaabo wax u dhimi kara amniga degaanka Soomaalida.

Sidoo kale dowladdu waxay War murtiyeedkan ku xustay inay jiraan Ururo wata magac siyaasadeed oo Masaajidada ku leh xubno masaajidka ka celiya qofka aan Soomaaliga ahayn ee masaajidka ku cibaadaysanaya.

Ugu dambayn Xukuumadda dowlad degaanka Soomaalidu waxay sheegtay inay qaadayso talaabooyin ay ku sheegtay in lagaga hortagayo waxa ay ku tilmaantay Xagjirnimadda, iyadoo shacabkana ugu baaqday inay garab ku siiyaan dowladda sidii aan degaanka uusan u noqon meel gabaad ay ka dhigtaan Ururada iyo shaqsiyaadka fidinaya waxay dowladdu ku tilmaantay afkaarta xagjirnimo.

War murtiyeedkan ayaa kusoo aadaya xilli wali ay jiraan dhibaatooyin ka dhashay dilkii xildhibaanad Juweeriye Subcis, iyadoo sidoo kalena Jimcihii aynu soo dhaafnay la sheegay in Masaajidka Badiic oo ku yaal magaalada Jigjiga ay rabshadi ka dhacday, kaddib markii nin aan Soomaali ahayn oo masaajidka ku cibaadaysanayay ay dad kale Masaajidka ku weerareen.