4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 30, 2022
Madaxweyne Mustafe Cagjar " Qaraxyadda Muqdisho ka dhacay waxay ku bilaabmeen fikir qaldan oo xiligisii laga hortagi waayay
 

Axad, October, 30, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Cagjar ayaa qoraal oo bartiisa Facebook soo dhigay waxa uu kaga hadlay Qaraxyadii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa ugu horreyn walaalaha Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay dhibaatadii iyo mashaqadii ka dhalatay Qaraxyadii shalay ka dhacay Muqdisho ee ay dadka badani ku waxyeeloobeen, " Alle ha u naxariisto maatida argagixisadda Alshabaab ay ku gumaaday magaaladda Muqdiisho ee dalka Soomaaliya".

Sidoo kale Madaxweyne Mustafe Cagjar waxa uu qoraalkiisa ku sheegay in Al Shabaab iyo dhibaatada maanta ka taagan Soomaaliya ay ahayd khatar aan xilligeedii laga hortagin, isagoo yiri " Qaraxyada maanta laga uur-ku-taaloonayo waxay ku bilaabmeen fikir qaldan oo xiligisii laga hortagi waayay, Maantase waa la isku raacsan yahay in Alshabaab ay maalin qabasho lahayd".

Ugu dambayn waxa uu Madaxweynuhu carrabka ku adkeeyay inay Waajib damiireed iyo mid diimeedba ay tahay in meel looga soo wada jeesto oo lala dagaallamo dadka wada waxa uu ku tilmaamay fikirka qaloocan iyo xagjirnimada oo uu sheegay inay dhibaato badan horseedi karaan.