4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 29, 2022
Booliiska Soomaaliya oo faahfaahin ka bixiyay qaraxyadii Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho
 

Sabti, October, 29, 2022 (HOL) - Afhayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliya Gaashaanle Sadiiq Aadan Cali Doodishe ayaa faahfaahin hordhac ah ka bixiyay Qaraxyo culus oo Maanta ka dhacay Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.

Afhayeen Doodishe ayaa sheegay in ciidanka dowladda Soomaaliya ay fashiliyeen qaraxyada Maanta dhacay, isagoona sheegay in u jeedka weerarka uu ahaa beegsiga xarunta Wasaaradda  Waxbarashada oo loogu adeegayay xiliga arday Soomaaliyeed.

“Qaraxyada oo labo ahaa Waxa ay la beegsadeen isgoyska Soobe ama KM5 oo ahaa goobtii ay Shan sano ka hor ku laayeen dadkii birimagayda ah 14 October, waxaana ujeedka weerarka ahaa beegsiga xarun waxbarasho oo loogu adeegayay ardayda Soomaaliyeed, laakiin ciidanka qaranka ee geesiyaasha ah oo sii hayay xogta dhagarta argagixisada ayaa ka hortagoodu waxa uu yareeyay Khasaarihii ay cadowga khawaarijta ah la damacsanayeen shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Afhayeenka Booliiska Sadiiq Aadan Doodishe.

Wuxuu intaasi hadalkiisa kusii daray Afhayeenka Booliiska Soomaaliyeed iney socdaan tirakoob ku aadan khasaaraha  rasmiga ah ee ka dhashay qaraxyada Maanta dhacay, islamarkaana ay dib kasoo sheegi doonaan, waxaana wararka hordhaca ah ee soo baxaya ay sheegayan in qarayxada Maanta dhacay ay ku dhinteen dad kor u dhaafaya 10 ruux, dhaawacana uu intaasi ka badam yahay, waxaana sidoo kale qaraxyada ay geysteen burbur hantiyeed oo baaxad weyn.

Dadka la xaqiijiyay iney qaraxyada Maanta ku dhinteen waxaa ka mid ah Taliyihii Saldhiga Booliska degmada Hodan  Xuseen Cadceed Cismaan, Wariye Maxamed Ciise Koonaa iyo dad kale oo shacab ahaa oo goobta la agdhawaa.

Qaraxyadaan Maanta ka dhacay Soobe ayaa kusoo beegmaya, iyadoo bishaan oo kale shan sano ka hor uu ka dhacay Isgoyska Soobe Qaraxii ugu weynaa ee ka dhaca gudaha Soomaaliya, kaasoo ay ku dhinteen dad gaaraya kun qofood ayna ku dhaawacmeyn tiro intaas ka badan.