4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 29, 2022
Qaraxyo waa weyn oo goordhaw ka dhacay Magaalada Muqdisho

Sabti, October, 29, 2022 (HOL) - Waxaa goordhaw magaalada Muqdisho ka dhacay laba qarax oo aad u waaweyn oo daqiiqado kooban ay u dhaxeeyeen, kuwaas oo lasoo sheegayo in lagu weeraray xarunta Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya ee ku taala laami yaraha Soobe ee magaalada Muqdisho.

Qaraxyada oo ahaa kuwa aad u culus ayaa juggooda laga maqlay inta badan magaalada Muqdisho, waxaana qaraxyada kadib la sheegay in dabley hubeysan ay gudaha u galeen dhismaha xarunta Wasaaradda Waxbarashada oo xiligaan laga maqlaayo rasaas fara badan oo aad u xoogan.

Qaraxyadan ayaa lasoo warinayaa iney gsysteen khasaare kala duwan oo dhimasho iyo dhaawacba leh, hayeeshe wali lama xaqiiiin karo inta uu dhan yahay khasaaraha, waxaana xusid mudan in goobta ay ku taalo Wasaaradda ay tahay meel aad u mashquul badan oo ay agagaarkeeda ku yaalaan goobo ganacsi oo kala duwan.

Lasoco wixii kusoo kordha wararkan