12/2/2022
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 1 , 2022
Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay muddo kordhinta
 

Sabti, October, 1, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in aanu jirin xeer qeexaya waxa la yeelayo hadii doorashooyinka urruradu wakhtigooda dib uga dhacaan, lakiin xal loo hayo doorashada madaxweynaha iyo guurtida.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in hadii xisbiyada wakhtigoodu dhamaado aan loo kordhin karayn, oo ay khasabtahay in doorashadooda la galo, xeerkii mudada loogu kordhin lahaa oo aan jirin awgeed.

"Doorashooyinku hadii ay qabsoomi waayaan, saddex doorasho ayaa yaala, ta 1aad ee xisbiyada, hadii ay 10 sanno ka dhamaato xeerka uu baarlamaanku meel mariyay muu sheegin hadii wakhtigooda la qaban waayo halka loo marayo, markaa qaranka waxa ku waajib ah in wakhtigeedii la qabto" ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Madaxweynuhu doorashooyinka madaxweynaha iyo guurtida ayuu sheegay in sharcigu sheegay halka loo marayo hadii ay wakhtigoodii ku qabsoomi waayaan, isaga oo uga jeeda in loo kordhin karayo mudada madaama oo uu jiro xeer sida tilmaamaya.

Waxa uu sheegay in ay sharci tahay in 10 kii sannoba mar la furo urrurada siyaasada, isla markaana doorashooyinku sida ay usoo kala horaynayaan loo raacayo sharciga oo loo sameeyay hay'addo ay kamid yihiin guddida diwaangalinta urrurada siyaasada iyo gudda doorashooyinka.

Waxa uu sheegay in hay'addaha doorashadu ay haystaan madaxbannaani buuxda oo sharcigu siiyay, isla markaana anay cidna ku farogalin karin shaqadooda, isaga oo intaa ku daray in nabada Somaliland ay tahay mid taama doorashooyinkiina la galayo.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
10/1/2022 9:59 AM EST
Sabti, October, 1, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha maamulka gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa ka hadlay sababaha keenay in Maanta ciidamada iskaashanaya ay dib uga soo baxaan degmada Moqokori iyo deegaanka Yasooman iney aheyd mid ay ka shaqeyeen dad gaar ah oo ku dhexjira ciidanka oo doonaya fashilinta howlgalada ka socda deegaanada gobolka Hiiraan.

10/1/2022 8:52 AM EST
Sabti, October, 1, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Masjidka Shuhadada ee madaxtooyada kaga qeyb galay salaadda Janaasada taliyehii qaybta guud ee boliiska gobolka Banaadir, Sarreeye Guuto Farxaan Maxamuud Aadan oo ku geeriyooday dagaalkii kadhacay deeganno ka tirsan Shabeellaha Dhexe.

10/1/2022 4:38 AM EST
Sabti, October, 1, 2022 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya deegaanada Moqokori iyo Yasooman ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleeyda ee dhawaan la wareegay deegaanadaasi inay isaga baxeen.

10/1/2022 4:21 AM EST
Sabti, October, 1, 2022 (HOL) - Golaha Guurtida Somaliland ayaa 2 sanno ku kordhiyay muddo xileedka madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, muddo xileedka golaha ayay sidookale ku kordhiyeen muddo 5 sanno ah.

10/1/2022 2:34 AM EST
Sabti, October, 1, 2022 (HOL) - Wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa iska fogeeyay sababta loo magacaabay inay qeyb ka tahay muddo kororsi lagu eedeynayo madaxweyne Deni.

10/1/2022 2:07 AM EST
Sabti, October, 1, 2022 (HOL) - Inta la xaqiijiyay shan askari oo ka tirsan ciidanka Nabadsugida Soomaaliya ayaa geeriyootay sideed kalana dhaawacyo culus ayaa soo gaaray, kadib markii uu la rogmaday gaarigii ay saarnayeen oo ahaa nooca Soomaalida u taqaano Cabdibilaha.

10/1/2022 1:50 AM EST
Sabti, October, 1, 2022 (HOL) - Ururada Suxufiyiinta Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareeyay dilka weriye Axmed Maxamed Shakuur oo ka tirsan Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed (SNTV), kaasoo ku geeriyooday qarax ka dhacay deegaanka Basra.