4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 1 , 2022
Golaha Guurtida Somaliland oo muddo xileedkii u kordhiyay madaxweyne Biixi, iyaguna korodhsaday
 

Sabti, October, 1, 2022 (HOL) - Golaha Guurtida Somaliland ayaa 2 sanno ku kordhiyay muddo xileedka madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, muddo xileedka golaha ayay sidookale ku kordhiyeen muddo 5 sanno ah.

Golaha ayaa kal fadhi ay saaka ku yeesheen xarunta golaha guurtida ee Hargaysa, cod aqlabiyad ah ku meel mariyay muddo kordhinta madaxweynaha iyo muddo xileedka guurtida.

Xildhibaan Cumar Nuur Waaye, oo ah mudanaha kali ah ee kasoo horjeestay muddo kordhinta, ayaa sheegay in ay ahayd in laga wadatashado "Waxkasta oo yimaada wadatashi ayaa lagu dhamayn jiray, markaa waxan ku diiday waxa weeyaan, wadatashi ayaanay tani lahayn".

Hadab, kadib khilaaf sababay in doorashadu dib u dhacdo oo muddo u dhexeeyay mucaaradka iyo xukuumada Somaliland, ayay guddida doorashooyinku dhawaan sheegtay in anay doorashada ku qaban karin wakhtigii loo muddeeyay, iyagoo sheegay in ay muddo 9 billood ah ku qaban doonaan, lakiin guurtida ayaa 2 sanno ku kordhiyay.

Mucaaradka Somaliland ayaa dhankooda sheegay in anay aqbalayn muddo kordhin aan lagala tashan in madaxweyne Biixi loo sameeyo.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]