4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 1 , 2022
Wasiir Juxa: Ku darsasho wax la yiraahdo oo miiska saarani ma jirto. aniguna qeyb kama ihi
 

Sabti, October, 1, 2022 (HOL) - Wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa iska fogeeyay sababta loo magacaabay inay qeyb ka tahay muddo kororsi lagu eedeynayo madaxweyne Deni.

Wasiir Juxa ayaa sheegay inuu xafiiska u yimid sidii uu u dhaqaajin lahaa doorashooyinka golayaasha deegaanka ee nidaamka axsaabta badan, kalsoonina loogu abuuri lahaa dadka shacabka iyo ururada siyaasada Puntland.

“Ku darsasho wax la yiraahdo oo miiska saarani ma jirto. Dowladdaana wax gaar ah oo dan ah, ka sakow inuu barnaamijkan hirgalo mooyee ma jirto. Juxana taas qeyb kama ahan,’ ayuu yidhi wasiirka arrimaha gudaha Puntland.

Juxa wuxuu ugu baaqay siyaasiyiinta Puntland ee diidan nidaamka dimuqraadiyadda inay bulshada horyimaadaan islamarkaana u diyaar garoobaan inay bulshada cod weydiistaan.

Wuxuu tilmaamay qorshaha hadda socda oo miiska saarani inuu ku kooban yahay doorashooyinka dowladdaha hoose. Wuxuu sheegay doorashada barlamaanka iyo midda madaxweynaha inay waqtigeeda la sugayaan.

Madaxweyne Deni ayaa bishii hore Juxa u magacaabay wasiirka arrimaha gudaha Puntland. Juxa wuxuu kamid yahay dadka u ololeeya nidaamka dimuqraadiyada.

Wuxuu hormuud u noqondoonaa doorashada 12 degmo oo maamulku qorshaynayo in laga qabto doorasho dadweyne ka hor sannadka 2024.