11/29/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 1 , 2022
Ururada saxaafadda Soomaaliya oo cambaareeyay dilka weriya katirsan warbaahinta dowladda

Sabti, October, 1, 2022 (HOL) - Ururada Suxufiyiinta Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareeyay dilka weriye Axmed Maxamed Shakuur oo ka tirsan Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed (SNTV), kaasoo ku geeriyooday qarax ka dhacay deegaanka Basra.

Weriyahan ayaa la socday saraakiil ka tirsan hay’adda nabad Suggida, xilli uu socday howlgal ay ciidamada ammaanka ka sameeyeen deegaanka Basra oo qiyaastii 30km dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Muqdisho.

Ururada saxaafadda ayaa sheegay in weriye Axmed oo fadhigiisu ahaa degmada Balcad uu la socday taliyihii ciiddanka Booliiska gobolka Banaadir, Farxaan Qaroole iyo ciidamo ka tirsan kuwa nabad sugidda oo ku geeriyooday qarax ka dhacay deegaanka Basra, shalay oo jimce ahayd.

Taliyaha iyo ciidanka nabad sugida ayaa waxay halkaasi u tageen howlgal ciidamada dowladda ku xoreeyeen deegannada hoos yimaada degmada Balcad ee gobolka Shabeeladda dhexe.

Alshabaab ayaa sheegtay dilkooda waxayna sheegeen inay ku qaari jiyeen miino waddada loosoo dhigay.












Click here
10/1/2022 9:59 AM EST
Sabti, October, 1, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha maamulka gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa ka hadlay sababaha keenay in Maanta ciidamada iskaashanaya ay dib uga soo baxaan degmada Moqokori iyo deegaanka Yasooman iney aheyd mid ay ka shaqeyeen dad gaar ah oo ku dhexjira ciidanka oo doonaya fashilinta howlgalada ka socda deegaanada gobolka Hiiraan.

10/1/2022 8:52 AM EST
Sabti, October, 1, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Masjidka Shuhadada ee madaxtooyada kaga qeyb galay salaadda Janaasada taliyehii qaybta guud ee boliiska gobolka Banaadir, Sarreeye Guuto Farxaan Maxamuud Aadan oo ku geeriyooday dagaalkii kadhacay deeganno ka tirsan Shabeellaha Dhexe.

10/1/2022 8:47 AM EST
Sabti, October, 1, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in aanu jirin xeer qeexaya waxa la yeelayo hadii doorashooyinka urruradu wakhtigooda dib uga dhacaan, lakiin xal loo hayo doorashada madaxweynaha iyo guurtida.

10/1/2022 4:38 AM EST
Sabti, October, 1, 2022 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya deegaanada Moqokori iyo Yasooman ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleeyda ee dhawaan la wareegay deegaanadaasi inay isaga baxeen.

10/1/2022 4:21 AM EST
Sabti, October, 1, 2022 (HOL) - Golaha Guurtida Somaliland ayaa 2 sanno ku kordhiyay muddo xileedka madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, muddo xileedka golaha ayay sidookale ku kordhiyeen muddo 5 sanno ah.

10/1/2022 2:34 AM EST
Sabti, October, 1, 2022 (HOL) - Wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa iska fogeeyay sababta loo magacaabay inay qeyb ka tahay muddo kororsi lagu eedeynayo madaxweyne Deni.

10/1/2022 2:07 AM EST
Sabti, October, 1, 2022 (HOL) - Inta la xaqiijiyay shan askari oo ka tirsan ciidanka Nabadsugida Soomaaliya ayaa geeriyootay sideed kalana dhaawacyo culus ayaa soo gaaray, kadib markii uu la rogmaday gaarigii ay saarnayeen oo ahaa nooca Soomaalida u taqaano Cabdibilaha.