4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 30, 2022
Guddoomiye Aadan Madoobe: Barlamaanka Soomaaliya ma ansixindoono xeer kaste oo ka hor imaanaya diinta iyo dhaqanka
 

Arbaco, November, 30, 2022 (HOL) - Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe, ayaa sheegay inaanay ansixin doonin sharci kasta oo ka hor imaanaya Diinta Islaamka, maalmo ka dib markii ku xigeenkiisa Sacdiyo Yaasiin ay wacad ku martay inay ansixin doonto sharciga xadgudubyada Jinsiga.

Guddoomiyaha barlamaanka oo shir guddoominayay kulan wadajir ah oo ay isugu yimaadeen labada aqal ee barlamaanka, ayaa caddeeyay haba yaraatee inaanu jirin sharci la xiriira arrimaha jinsiga oo barlamaanka horyaala. wuxuu sheegay guddoonka barlamaanka in uusan qabanin xeer kasta oo ka horimaanaya Diinta.

Aadan Madoobe waxaa uu sheegay inay jiraan dad mucaaradnimo awgeed u faafinaya warar aan  mudnayn in laga jawaabo. Wuxuu sheegay in isaga dhowaan laga dhaafiyay warar been abuur ah intii uu ku jiray safar uu dibbada ku marayay.

Hadalka guddoomiyaha barlamaanka ayaa kusoo beegmay, maalmo kadib markii guddoomiye ku xigeenka koowaad ee barlamaanka, Sacdiyo Yaasiin Samatar ay sheegtay in sharciga xadgudubyada si dhaqso ah loo meel marinayo.

Hindise sharciyeedka dambiyada jinsiga ayaa dabayaaqadii sanadkii 2020, waxaa diiday baarlamankii hore ee Soomaaliya, iyadoo hoggaanka baarlamaanka uu sheegay in sharcigaas uu ku xadgudbayo dhaqanka iyo diinta Islaamka.