4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 3 , 2022
Dowladda Soomaaliya oo joojisay qaadashada warqadda caddaynta baaritaanka COVID19
 

Khamiis, November, 3, 2022 (HOL) - Wasaaradda Caafimaadka dowladda Soomaaliya ayaa joojisay qaadashada warqadda caddeynta baaritaan Caabuqa COVID-19, taasoo laga qaadi jiray cid kasta oo ka dhoofaysa garoomada diyaaradaha Soomaaliya.

Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda caafimaadka ayaa lagu sheegay in dadka usoo safraya Soomaaliya aan looga baahnayn in ay la yimaadaan warqadda caddeynta baaritaanka caabuqa COVID-19 (PCR iyo Rapid).

Sidoo kale, wasaaradda caafimaadku waxay sheegtay in dadka ka dhoofaya Soomaaliya looga baahan yahay in ay iska hubiyaan una hoggaansamaan sharuudaha iyo habraacyada waddamada ay u socdaan ee la xariira COVID19.

Go’aanka wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa meesha ka saaraya lacago qidmado ah oo ay dadka safarka ah ku bixin jireen qaadashada warqadda baaritaanka COVID19.``

Wasaaradda Caafimaaka Soomaaliya waxay sidoo kale ku dhiiri galisay muwaadaniinta in ay qaataan Talaalka COVID-19 kana ilaaliyaan naftooda iyo kan ehealadooda khatarta Caabuqa.

Qidmadan lacageed ayaa lasoo rogay sannadkii 2020 kadib markii dib loo furay isku socodka duulimaadyada, kadib xayiraadihii COVID19, iyadoo waddan kaste uu qaatay in dadka dibadda uga imaanaya ay soo qaataan warqadda baaritaanka COVD19, taasoo qeyb ka ahayd xakamaynta cudurka.