4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 3 , 2022
Dowladda Soomaaliya oo xukun dil ah ku fulisay labo nin oo katirsan Alshabaab
 

Khamiis, November, 3, 2022 (HOL) - Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saakay oo khamiis ah xukun dil ah ku fulisay Cumar Aadan Maxamed iyo Cabdulle Axmed Muumin oo katirsan Alshabaab.

Labadan nin ayaa sannadkii 2019 dilalka qorshaysan ka geysan jiray magaalada Muqdisho, waxayna dileen labo askari oo katirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ka hor inta aan gacanta lagu dhigin oo caddaalada la horkeenin.

Cumar iyo Cabdulle ayaa Shabaab kusoo kala biiray sanadihii 2014 iyo 2018. Maxkamadda ciidamada ayaa dil toogasho ku xukuntay December sannadkii 2020.

Labo sano kadib ayaa saakay lagu fuliyay xukunkii dilka ahaa, waxayna qeyb ka noqonayaan tiro ka badan 10 ruux oo Shabaab ah, oo la qisaasay labo todobaad gudaheed.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhawaan sheegaya in Alshabaab uu la gelidoono dagaal adag, wuxuuna maxkamaddaha faray in caddaaladda lagu fuliyo cid kasta oo katirsan Shabaaab oo maxkamaddu xukuntay.

Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa qabaa’ilada deegaanka ayaa dagaal xooggan haatan kula jirta kooxda Alshabaab, iyadoo laga sifeeyay deegaanno badan oo katirsan gobolada Shabeeladda dhexe iyo Hiiraan.