4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 26, 2022
Heshiis nabadeed oo laga soo saaray colaaddii ka jirtay deegaannada hoos yimaada Cadale

Sabti, November, 26, 2022 (HOL) - Heshiis nabadeed ayaa laga soo saaray collaadii ka jirtay deegaanno hoos yimaada degmada Cadale ee gobolka Shabeellada dhexe, halkaas oo labo beelood oo walaalo ah ay ku dirireen.

Waxaa lagu heshiiyay in nabada laga shaqeeyo, lagana horyimaado wax kaste oo collaada abuuri kara. Sidoo kale waxaa lasoo dhoweeyay dadaalada dowladdu ugu jirto dib u xoraynta gobolka Shabeellada dhexe.

Waxaa la isku raacay in tallaabo laga qaado cid kasta isku dayda inay isbaaro dhigato, sidoo kale in qofkii qof dila  sharciga islaamka la marsiiyo.  

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa goob joog ka ahaa heshiiska laga gaaray collaada Cadale, wuxuuna ku baraarujiyay labada beelood in collaadooda aysan fursad u siinin Alshabaab inay kusoo laabtaan deegaannada laga xoreeyay.