4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 24, 2022
Golaha Wasiiradda oo ansixiyay laba Hindise sharciyadeed iyo magacaabista guddoomiye ku xigeenka Bangiga Dhexe
 

Khamiis, November, 24, 2022 (HOL) - Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya oo uu shir  guddoomiyey Raysal wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey laba Hindse Sharciyeed oo kala ahaa Qaraar la xiriira deegaannada laga xorreeyay Kooxda Shabaab iyo soo jeedinta magacaabista guddoomiye ku xigeenka cusub ee Bangiga Dhexe.

Kulan ayaa Golaha Wasiirrada waxay  ku ansixiyeen Qaraar ka kooban 12 qodob oo la xiriira deegaanada cusub ee laga xoreynayo Al-shabaab, kuwaasi oo isugu jira Amniga iyo xasilloonida, amarka iyo kala dambeynta, isu socodka, xakamaynta xad gudubyada ciidamada iyo denbi falayaashu ka geysan karaan goobaha laga xoreeyey Shabaab, ilaalinta xuquuqda Aadanaha iyo fullinta sharciga.

Kulanka Golaha ayaa sidoo kale lagu meelmariyay soo jeedinta Wasiirka Maaliyadda ee ah in xilka guddoomiye ku xigeenka cusub ee Bankiga Dhexe loo magacaabo Dr Cali Yaasiin Shiikh Cali oo ah aqoonyahan, aqoon durugsan u leh masuuliyadda loo igmaday.

Waxaa sidoo kale Golaha Wasiiradda Soomaaliya ay ansixiyeen dhisidda iyo tayeynta aqoonta Tiknoolajiyadda Soolarka iyo dib u eegista Hindise Sharciyeedka Korontada oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha, kuwaasi oo wax ka beddel iyo dib u habeyn lagu sameeyey.