4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 22, 2022
Nabadoon caan ah oo galabta lagu dilay degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha dhexe
 

Talaado, November, 22, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya deegaanka Cadow Uul oo ka mid ah deegaanadda hoostaga degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in galinkii dambe ee Maanta halkaasi lagu dilay Nabadoon Mukhtaar Axmed Maxamed.

Allah naxariistee Nabadoon Mukhtaar Axmed ayaa ka mid ahaa nabadoonadda maalmahii dambe ku howlana dhameystirka heshiis nabadeed oo lakala dhexdhigay laba beelood oo walaalo ah oo mudooyinkii dambe ku dagaalamaayay deegaano hoostaga demada Cadale, waxaana la tilmaamay in nabadoonka uu ku geeriyaaday is rasaaseyn dhexmartay ciidamo uu waan waan ka dhex waday.

Geeridda Nanadoonka waxaa si deg deg ah uga tacsiyadeeyay madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xseen iyo waxgarad kale oo uu ka mid yahay Imaam Daahir Imaam Maxamuud Imaam Cumar.

"Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada, bahda dhaqanka iyo guud ahaan ummaad Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Nabadoon Mukhtaar Axmed Maxamed, Marxuumku waxa uu ka mid ahaa hoggaanka nabadda iyo dhaqanka bulshada isagoo geeriyooday xilli uu ka shaqeynayay nabadeynta beelo walaalo ah" ayu yiri madaxweyne Guudlaawe.

Dagaal beeleedka ka dhacay deegaanadda hoostaga Cadale waxaa ku geeriyooday in ka badan 50 ruux oo isugu jiray dhinacyada labada Maleeshiyo beeleed, waxaana dagaaladaasi lagu gubay ilaa sideed tuulo.