4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 22, 2022
Natiijada Ciyaartii Maanta ka yaabsatay dunida ee dhexmartay Xulalka Kubadda Cagta Sacuudi Carabiya iyo Argentina
 

Talaado, November, 22, 2022 (HOL) - Xulka Qaranka Sacuudi Carabiya ayaa Maanta muujisay wacdaraha Koobka kubadda Cagta Aduunka oo haatan ka socda wadanka Qatar, kadib guul taariiqi ah oo Maanta Caalamka oo idil laga hadal haayo oo ay ka gaareen Xulka Qaranka Argentina.

Kulankii Maanta dhexmaray Xulalka kubadda Cagta dalalka Sacuudi Carabiya iyo Argentina ayaa noqday mid kusoo dhamaaday natiijo aysan filanen bahweynta Isboortiga, kadib markii Xulka qaranka Sacuudiga uu kaga badiyay Xulka qaranka Argentina 2-1.

Xulka Argentina ayaa ka mid ahaa xulka loo saadaalinayay iney ku guuleysan karaan koobka kubada Cagta Adduunka ee sanadkan martigalineyso dalka Qatar.

Bilowga ciyaarta u dhaxeysay xulalka Sacuudiga iyo Argentina waxaa ciyaarta weerar culus ku maamulaayay Ciyaartoyda Argentina, halka ciyaaryahanada Sacuudiga ay ahayeen kuwa difaac ku jiray, waxaana daqiiqadii 10-aad xulka Sacuudiga goolkii koowaad oo rikoore ahaa kaga naxsaday xiddiga Argentinq Lionel Messi kaas oo hogaanka u dhiibay xulkiisa, sidaasna waxaa ku dhamaaday qaybta hore ee ciyaarta oo uu xulka Argentina hogaaminayso.

Hayeeshee qeybtii dambe ee ciyaarta oo ay dad badan rumeysnaayeen in Xulka qaranka Argentina uu goolal kale oo badan ka dhalin doono Sacuudiga, ayaa arintaasi waxaa meesha ka saaray xiddiga Xulka qaranka Sacuudiga ee lagu magacaabo Sale Alshehri oo dalkiisa u dhaliyay goolkii barbar dhaca ahaa oo ciyaarta ka dhigay  1-1.

Xulka qaranka Sacuudi Carabiya ayaa sidoo kale la timid goolka guusha ee mar qura badalay aragtidii laga qabay ee aheyd in goolal badan looga badin doono, waxaana daqiiqadii 53-aad dhaliyay goolkaas 2-aad xiddiga lagu magacaabo Salem Aldawsari kaas oo hogaanka guusha taariiqiga ah u dhiibay xulkiisa, waxaana sidaasi kusoo idlaatay ciyaartii dhexmartay xulalka qaranka Sacuudi Carabiya iyo Argentina oo ka wada tirsan group C.