4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 20, 2022
Diblomaasi reer Comoros ah oo la wareegay hoggaanka howlgalka Midowga afrika ee Soomaaliya (ATMIS)
 

Axad, November, 20, 2022 (HOL) - Souef Mohamed El-Amine oo ah Dublamaasi u dhashay dalka  Comoros, ayaa la wareegay  inuu noqdo madaxa howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), ku dhawaad 7 bilood ka dib markii ay dowladda Soomaaliya cayrisay ergaygii hore ee Francisco Madeira.

El-Amine ayaa Sabtidii ka soo muuqday Muqdisho ka dib markii uu magacaabay guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika Moussa Faki. Kahor inta uusan qaban jagada Muqdisho, El Amine wuxuu ahaa madaxa xafiiska gobolka ee Howlgalka Xasilinta Isku-dhafka ah ee Qaramada Midoobay ee Mali.

El Amine, oo sidoo kale ah qoraa caan ah ayaa horay u soo noqday Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Comoros, kadibna wuxuu qabtay jagadaas intii u dhaxaysay May 1999-Julay 2005.

Madaxa cusub ee ATMIS ayaa sidoo kale ahaa madaxa Xafiiska Midowga Afrika ee Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Darfur (UNAMID) ee Suudaan intii u dhaxaysay Abriil 2011 iyo Sebtembar 2015.

El Amine ayaa hadda hogaanka ATMIS la wareegaya xilli xasaasi ah oo dowladda Soomaaliya guulo waawayn ay ka gaartay howlgallada milateri ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

El Amine ayaa hoggaamin doona qaybta ka hadhay muddada labada sano ah ee kala guurka ah ee ciidamada Midowga Afrika.

Isbeddelka ayaa billowday bishii April ee sanadkan markii howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya uu howlgalkii AMISOM ku beddelay ATMIS inkastoo tirada ciidamada iyo ka qayb qaadashada ay inta badan sidii hore tahay.

Muddada kala guurka ah ee labada sano ah ayaa lagu wadaa in ay ku ekaato bisha April 2024, markaas oo la filayo in ciidamada amniga Soomaaliya ay la wareegaan mas’uuliyadda amniga ee dalka.