4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 2 , 2022
Mid kamid shakhsiyaadkii Maraykanku kusoo rogay cunaqabataynta oo iska fageeyay inuu xiriir laleeyahay Daacish

Arbaco, November, 2, 2022 (HOL) - Ciise Maxamuud Yuusuf (Ciise Yulux) oo ku jira liiska shakshiyaaad uu Maraykanku cunaqabatayn kusoo rogay, kuwaas oo lagu eedeeyay inay hubka u soo iibiyaan Daacish, ayaa iska fogeeyay eedeymaha loosoo jeediyay.

Ciise Yulux oo mar ahaan jiray horjoogayaashii burcad badeeda Soomaaliya, ayaa sheegay in uusan wax xiriir ah la lahayn Daacish iyo Alshabaab, isagoo sheegay inuu kamid ahaa dadkii buuraha kula dagaalami jiray iyaga.

Wareysi uu siiyay warbaahinta gudaha ayuu ku sheegay, in sannadkii 2016 ay ugu dambeysay inuu hub kasoo gato Yemen. Wuxuu sheegay hubkaas inuu yahay hub uu isagu leeyahay.

“Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa shaatigaaga haddii laguugu qabsado waa inaad ka garbaxdaa. Ciddii waxaan soo qorqortay waxaan u maleynayaa inay ku degdegtay. Anigu hubna ma keeno, Daacishna lama shaqeeyo, Alshabaabna lama shaqeeyo. Nimankaas Khawaarista ah ee Soomaaliya iyo adduunkoo dhan dagaalku kula jiro lama shaqeyno lamana shaqeyndoono,” ayuu yiri Yulux.

Ciise Yulus wuxuu tilmaamay inuu aaminsan yahay in Maraykanka loo gudbiyay xog qaldan oo uu sheegay inay ka dambeeyaan dad isaga kasoo horjeeda. Wuxuu sheegay in meel looga dhacay sharaftiisa, wuxuuna Maraykanka ka dalbaday inuu la yimaado caddayn dambigiisa ku saabsan.

Ciise ayaa kamid ahaa 8 nin oo u badan ganacsato reer Puntland ah, kuwaas oo lagu eedeeyay inay yihiin shakabad hubka Yemen ugasoo iiibisa ururada Daacish iyo Alshabaab. Maraykanka ayaa shalay kusoo rogay cuna qabatayn maaliyaddeed.