4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 19, 2022
Xisbiga Kulmiye oo sheegay in mucaaradka Somaliland anay lahayn xuquuq sharci
 

Sabti, November, 19, 2022 (HOL) - Xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye, ayaa sheegay in xisbiyada mucaaradka ahi anay haysan sharciyada xukuumada, kadib markii ay iyagu kalsoonida kala noqdeen xukuumada.

Xogeeyaha Guud ee Xisbiga Kulmiye Faysal Cabdiraxmaan Madar, oo ka hadlay shirka guddida fulinta xisbiga oo uu madaxweyne Biixi shir-guddoominayay, ayaa sheegay in mucaaradku ay sharcigii ka leexdeen, maanta kadibna anay sharciyad ka haysan xukuumada.

"Xisbiga Kulmiye waxa uu hadalkii kasoo yeedhay xisbiyada mucaaradka ku tilmaamay miq qayrul-dastuuri ah oo qaran jabin ku ah qaranka, sidaa awgeedna anay qaranka ku lahayn xuquuq sharci" ayuu yidhii Madar.

Xisbiga ayaa sodokale madaxweynaha ku amaanay ilaalinta sharciga "Xisbiga Kulmiye waxa uu ku amaanay madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ahna guddoomiyaha xisbiga Kulmiye, ilaalinta iyo dhowrista dastuurka iyo xeerarka ka dhambalma, waxayna madaxweynaha usoo jeediyeen in uu dulqaad muujiyo sidii uu awalba ku sifaysnaa" ayuu yidhi Madar.

Waxa uu sheegay in dulqaadka madaxweynaha shardi looga dhigay in aanu noqon mid dhibaato u gaysanaya ama gaf ku noqon kara ilaalinta shuruucda Somaliland.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]