4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 17, 2022
Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo Maanta la wareegay deegaanka Cadcadeey ee gobolka Shabeellaha Dhexe
 

Khamiis, November, 17, 2022 (HOL) - Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo garabsanaya ciidanka deegaanka ayaa Maanta Al-shabaab kala wareegay gacan ku heynta deegaanka Cadcadeey oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe.

Ciidamada is garabsanaya ayaa deegaanka Cadcadeey kula wareegay si nabadgalyo ah, kadib markii ay isaga baxeen ciidamadii Shabaab ee ku sugnaa deegaankaasi dhowrkii sano ee la soo dhaafay.

Jenaraal Axmed Maxamed Calasoow Tareedishe oo ka mid ah saraakiisha hoggaamineysa ciidamada Maanta la wareegay deegaanka Cadcadeey ayaa warbaahinta u sheegay in ciidanka ay si nabad ah saaka oo Khamiis ah ku gaareen deegaanka Cadcadeey ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Jenaraalka ayaa sidoo kale sheegay in howlgalada ciidanka ay kula dagaalamayaan Al-shabaab uu sii socon doono, islamarkaana ciidanka ay deegaankaan uga sii gudbi doonaan deegaanada kale oo ay Shabaabka ku sugan yihiin oo ay ka mid tahay Runnirgood.