4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 17, 2022
Ra’iisul Wasaare Xamse: Soomaaliya waxay maanta taagan tahay marxalad kalaguur ah oo taariikhdeeda ku suntan

Khamiis, November, 17, 2022 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, oo maanta furay shirka wadashaqeynta dowladda Soomaaliya iyo bangiga adduunka, ayaa sheegay inuu dalku ka soo gudbay dhibaatooyin badan haddana uu hiigsanayo horumar.

newsinsiudeXukuumadda raysal wasaare Xamse ayaa kulanka ku soo bandhigtay siyaasadda ku aadan  dib u habeynta hay’addaha dowladda si loo gaaro hiigsiga cusub ee nabadda, degenaanshaha iyo dimuqraadiyadda ku asteysan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in xukuumaddiisu xoogga saartay dib u heshiisiinta, xasilinta iyo xaqiijinta dib u habeynta, ayna horumarisay habraacyo sharci oo casri ah, qaab-dhismeed dowladeed, hannaan maamul maaliyadeed, dib u qaabeyn hay’ado muhiim ah.

“Soomaaliya waxay maanta taagan tahay marxalad kala-guur ah oo taariikhdeeda ku suntan. Dalkuna wuxuu ka soo baxayaa xaaladdii loo yaqiin ‘dowlad fashilantay’ oo dagaallo sokeeyey hareeyeen, wuxuuna hiigsanayaa waa cusub oo nabad, degenaansho iyo dimuqraadiyad ku asteysan, kaas oo diyaar u ah in uu soo jiito maalgashi ballaaran,” ayuu yiri raysal wasaare Xamse.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Bangiga Adduunka uga mahad celiyay taageerada geeddi socodka dhammeysirka deyn cafinta oo uu sheegay inay sabab u yihiin taabbagelinta isbeddelka socda.