4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 17, 2022
Maxakamada Ciidamada Qalabka sida ee maamulka Jubbaland oo Maanta dil toogasho ah ku fulisay laba Nin
 

Khamiis, November, 17, 2022 (HOL) - Maxkamadda ciidamada Qalabka sida ee maamul goboleedka Jubbaland ayaa Maanta xukun dil toogasho ah ku fulisay laba nin oo la sheegay iney horay si bareer ah u dileen laba ruux oo shacab ahaa, waxaana horay xukunkaan ugu riday Maxakamada ciidamada Qalabka sida ee maamulka Jubbaland.

Labada nin ee toogashada Maanta lagu dilay ayaa lagu kala magacaabi jiray Yuusuf Cabdulle Ismaaciil oo la sheegay inuu horay dil ugu gaystay marxuum lagu magacaabi jiray Cabdicasiis Axmed Iimaan, halka Cabdi Xasan Isaaq isna la sheegay inuu horay si bareer ah u dil ugu geystay Marxuum Axmed Xuseen Cismaan.

Xeer ilaaliya Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Jubbaland Gaashaanle dhexe Mowliid Axmed Yaasiin oo toogashada kadib warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in dilka labada nin Maxkamadda ku fulisay iney daawo u tahay nabad ku wada noolaashaha shacabka Soomaaliyeed.

Xeer ilaaliyaha Maxkamadda ciidamada Qalabka sida ayaa sidoo kale sheegay in qof walba oo dil bareer ah gaysto qof kale ay diinta islaamka iyo xeerarka dalka u yaalaba ay qabaan in lagu fulin doono qisaas qof walba oo geysta dil bareer ah.