4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 7 , 2022
Khilaaf ka dhexeeyay xukuumada Somaliland iyo Dowlada Hoose ee Hargaysa oo lasoo afjaray
 

Sabti, May, 7, 2022 (HOL) - Wasaarada Howlaha Guud iyo Guryaynta Somaliland iyo Dowlada Hoose ee Hargaysa, ayaa ka heshiiyay khilaaf ka dhashay guddiyo is khilaafsan oo labada dhinac u kala magacaabeen dib u dhiska suuqa Waaheen.

Labada dhinac ayaa ku heshiiyay in ay ka tanaasulaan guddiyadii ay hore u magacaabeen, oo ay sameeyaan hal guddi oo ka kooban 5 qof oo kala ah Maxamuud Cabdi Cilmi, Eng: Cabdirisaaq Maxamed Faarax (Wiiwaa), Eng: Cabdiqaadir Iimaan Warsame, Eng: Aadan Jaamac Xadi (Mideeye) iyo Eng: Ciise Yuusuf Xamari.

Shaqada guddida ayaa noqon doonta dib u dhiska iyo hagaajinta suuqyada magaalada Hargaysa oo uu suuqa Waheen kow ka yahay, sida maayar Cabdikariin Axmed Mooge sheegay.

"Waajibaadka guddida waxaa kamid ah, howlgalinta iyo hagida injineerada iyo xirfadlayaasha barnaamijka heer qaran iyo heer caalami, urrurinta, isku dubaridka, qiimaynta afkaarta iyo aragtiyaha hal abuurka aqoonyahanka kala duwan ee dib u dhiska suuqa,  dajinta qorshe howleed cad ee dib u dhiska suuqa Waaheen iyo dib u habaynta suuqa Gobonimo" ayuu yidhi Mooge.

Wasiirka Howlaha Guud iyo Guryaynta Cabdillaahi Abokor Cismaan, ayaa isn dhankiisa sheegay in wax dhibaato ahi anay jirin "Waxa woxogaa jaha wareer ahi ku yimid labada warqadood ee soo kala baxay 24 iyo 30 kii bisha, si umada Somaliland tashuushkaasi uga baxo, waxaanu maanta garanay in aanu anaga oo dhamaystiran, in wax dhibaato oo jirta anay jirin isfahana uu jiray marka horeba".

Khilaafka u dhexeeya labada dhinac ayaa soo bilaabmay horaantii bishii Abril, markaasi oo laysku khilaafa cida iska leh masuuliyada maamulka dib u dhiska suuqa, inkasta oo labada dhinac midna aanu si toos ah uga hadal khilaafka jiray.



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online