4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 6 , 2022
Ururka Somalia Debates oo sheegay in ay dhici doonto dooda musharraxiinta madaxweynaha Soomaaliya

Jimco, May, 6, 2022 (HOL) - Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa hakisay dood loo qaban lahaa musharraxiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya, oo ay soo qaban-qaabinayeen ururka aan dowliga aheyn ee Somalia Debates.

Wasaradda ayaa go’aankeeda ku macneysay in Somalia Debates aysan heysan sharciyad warbaahineed oo ay dooda ku qabtaan, waxna ku tebiyaan, balse war-saxaafadeed kasoo baxay ururka ayaa lagu sheegay in Somalia Debates aysan aheyn hay’ad warbaahineed oo lagu maamulo nidaamka iyo xeer hoosaadka Wasaaradda Warfaafinta Federaalka.

Somalia Debates ayaa taas beddelkeeda caddeysay in fasax iyo oggolaansho ay ka heystaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, (lambarka NGOD/Moifar0065/22). Waxaa ay intaasi raaciyeen in ay yihiin urur aan dowli aheyn oo diiwan-gashan, hadafkooduna yahay abaabulka wada-hadalka iyo doodaha bulshada rayidka ee Soomaaliya oo dhan.

“Soomaalia Debates hadafkeedu waa in bulshadu qeyb ka noqoto siyaasadda, iyadoo laga doodayo danta guud. Taasina waa danta qaranka, sharciga iyo diiwankana waxaan u marnay wadadii saxda ahayd, waanu ku sii socon doonaa sida qorshuhu yahay. Soomaalia Debates waxay og tahay inay jiraan kooxo wata dano khaas ah oo aan doonayn in Doodaha Musharixiinta Madaxweynaha ee Soomaaliya aysan dhicin, danahaas oo ah dano gaar ah, mid siyaasadeed iyo mid xirfadeed – waana inaan qofna loo oggolaan inuu ka leexiyo danaha iyo ajendaha fog ee Soomaaliya ee ku wajahan Waddada Dimuqraadiyadda iyo Doodaha caafimaadka leh”.

Ugu dambeyntii ururka aan dowliga aheyn ee Somalia Debates ayaa sheegay in qorshahooda ku aadan dooda musharraxiinta madaxweynaha ay taageero buuxa uga heystaan shacabka Soomaaliyeed, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, qaar ka mid ah xubnaha beesha caalamka, FEIT, NIEC iyo musharrixiinta u taagan xilka madaxweynaha oo dhamaantood gacmo furan ku soo dhaweeyay hindisaha Somalia Debates.

Hassan Istiila, Hiiraan Online
[email protected]