4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 4 , 2022
Musharrax madaxweyne Dr Abuukar Aaden Cabdulle Cusmaan oo Muqdisho lagusoo dhoweeyay


Arbaco, May, 4, 2022 (HOL) - Dr Abuukar Aaden Cabdulle Cusmaan (Aadan Cadde) oo u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagusoo dhoweeyay magaalada Muqdisho, isagoo doonaya inuu ka qeyb galo doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Dr Abukar Aaden Cadde waxaa dhalay madaxweynihii ugu horreeyay ee Soomaaliya, Aadan Cabdulle Cusmaan oo ku suntan inuu ahaa Aabbihii dimuqraadiyadda Soomaaliya.

Dadkii soo dhoweeyay ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin Dr Abukar Aaden Cadde inuu iskusoo sharraxay xilka madaxweynaha, waxayna sheegeen inuu yahay shakhsi wax ka qaban kara xaaladda uu dalku maanta ku sugan yahay.

Dr Abukar Aaden Cadde ayaa sheegay inuu iskusoo sharraxay si uu uga qeyb qaato samatixinta dalka, si dadka Soomaaliyeed looga saaro dhibaatada ay ku jiraan.

“Waa safar cusub aan doonayo inaan isku raacno. Annagoo maridoona jidkii mareen waalidiinteennii SYL. Jid toosan oo noo horseedi doona guul waarta ,” ayuu yiri Dr Abukar.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]