4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 24, 2022
Gaalkacyo: Aabbe labo carruur ah oo uu dhalay Gowracay
 

Talaado, May, 24, 2022 (HOL) - Magaalada Gaalkacyo waxaa ka dhacay dhacdo argagax leh kadib markii Aabbe uu gowrcay 2 Carruur ah oo uu dhalay, kuwaas oo 24 saac kadib maydkooda la helay.

Sida aan xogta ku helnay, Labada carruur ah oo da’doodu lagu sheegay 12 jir iyo 13 ayaa Aabbaha dhalay ku bireeyay qolka uu degenaa dhexdiisa, isagoo kadibna dusha ugasoo xiray markii uu dilay.

Dadka xaafadda ayaa saakay barqadii dareemay urka maydka, waxayna jebiyeen qolka ay ku jireen carruurta, halkaas oo ay ku arkeen maydka labada wiil oo biraysan, arintaas oo dhalisay argagax.

Duqa Gaalkacyo ee Puntland, Maxamuud Cabdinuur Aadan ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay gacan ku dhiiglaha. Wuxuu tilmaamay in lasoo qabtay isagoo jiifay qol ku dhegan midka uu falka ku geystay.

Duqa wuxuu sheegay baaritaan horudhac ah oo la sameeyay inuu muujinayo in gacan ku dhiiglaha uu isticmaalayay Maandooriye, Meesha lagasoo qabtayna ay taalay dhalo Qamri ah oo uu isticmaalayay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]