4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 24, 2022
Booliiska Columbus oo dacwad kusoo oogay nin labaad oo loo haysto dilkii Sheikh Maxamed Xasan Aadan
 

Talaado, May, 24, 2022 (HOL) - Eedeysane labaad ayaa lagu soo oogay dacwad la xiriirta afduubkii keenay in la dilo imaam Soomaaliyeed oo caan ka ah magaalada Columbus ee Maraykanka, bishii December.

Isaiah Brown-Miller, oo 22 jir ah, kana soo jeeda magaalada Columbus, ayaa lagu soo oogay dacwad ku saabsan dilka Sheikh Maxamed Xasan Aadan oo 48 jir ah, oo muddo dheer imaam ka ahaa masaajidka Masjidka Abu Hurairah ee ku yaal magaalada Columbus.

Sheikh Maxamed Xasan Aadan ayaa sidoo kale ahaa hoggaamiyaha bulsho weynta Soomaaliyeed ee magaalada Columbus.

Intii ay hay’addaha dambi baaristu ku guda jireen baaritaankooda waxay sheegeen Sabtidii inay Brown-Miller u aqoonsadeen inuu yahay ka qaybqaataha labaad ee dilka imaamka.

Sheikh Maxamed Xasan ayaa la waayay 22-kii Diseembar, markii uu ka soo baxay gurigiisa.

Sida ay booliisku sheegeen. Qoyskiisa ayaa soo sheegay in la waayay maalin kadib waxaana meydkiisa laga helay gaari Van ah 24-kii December meel kayn ah oo ku taal dhanka Waqooyi ee magaalada Columbus.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]