4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 23, 2022
Sacuudiga oo dalkiisa ka mamnuucay muwaadiinta 16 dal oo ay Soomaaliya ku jirto
 

Isniin, May, 23, 2022 (HOL) - Iyada oo laga jawaabayo kiisaska sii kordhaya ee COVID-19, ayaa Sacuudi Carabiya waxay dalkooda ka mamnuucday inay usoo safraan muwaadiniinta 16 waddan oo ku yaal Aasiya, Afrika iyo Koonfurta Ameerika.

Sida lagu sheegay wargeyska The Gulf News, wadamada liiska lagu daray ayaa kala ah India, Lebanon, Syria, Turkey, Iran, Afghanistan, Yemen, Somalia, Ethiopia, the Democratic Republic of the Congo, Libya, Indonesia, Vietnam, Armenia, Belarus, iyo Venezuela.

Sabtidii, Wasaaradda Caafimaadka Sacuudiga ayaa ku dhawaaqday 414 kiis oo cusub oo COVID-19 ah, iyadoo tirooyinka toddobaadlaha ah ay noqdeen koror shan laab ah marka loo eego kiisaska illaa Maarso iyo Abriil.

Ku dhawaad 81 xaaladood ayaa halis ah, iyadoo la soo sheegayo dhimasho la xiriirta COVID-19.

Muwaadiniinta Sucuudiga waxaa loo ogolyahay in ay safraan oo keliya haddii ay qaateen dhammaan saddexda tallaal.

Tallaabadan ayaa u muuqata go'aan jahawareer leh, xilli muslimiin badan oo ku nool dunida ay isku diyaarinayaan gudashada waajibaadka Xajka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]