4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 20, 2022
Faahfaahino kasoo baxaya qarax magaalada Muqdisho lagula beegsaday Siyaasi Caan ah
 

Jimco, May, 20, 2022 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo jugtiisa laga maqlay degmooyin ka tirsan magaalada Muqdisho kaasoo ka dhacay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ahaa noociisa miinada dhulka lagu aaso, kaasoo lala beegsaday Siyaasiga lagu magacaabo Cabdullaahi Sheekh Xasan xili uu kasoo baxay Masjid uu kusoo Tukaday Salaadii Jimcaha.

Siyaasi Cabdullaahi Sheekh Xasan ayaa la sheegay inuu qaraxa kasoo gaaray dhaawac, waxaana dhaawiciisa la geeyay Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa kadib waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya, kuwaas oo mudo kooban xiray dhaqdhaqaaqa goobta qaraxa lagula eegtay siyaasi Cabdullaahi Sheekh Xasan oo marka laga soo tago dhaawaca isaga soo gaaray aanan la ogeyn cida kale ee wax ku noqotay qaraxaasi miino

Majirto wax war ah oo kasoo baxay laamaha amaanka dowladda Soomaaliya oo ku aadan qaraxa miino ee maanta lala beegsaday Cabdullaahi Sheekh Xasan oo ka mid ahaa siyaasiyiinta la dhacsana xukunkii madaxweynahii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online