4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 2 , 2022
Madaxda Dowladda Fedaraalka iyo kuwa Maamul goboleedyada dalka oo hambalyo u diray Shacabka Soomaaliyeed
 

Isniin, May, 2, 2022 (HOL) - Madaxweynaha mudo xileedkiisa dhamaaday ee dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay dhamaan muslimiinta meel kasta oo ay joogaan, gaar ahaan dadka Soomaaliyeed Munaasabadda barakeysan ee Ciidul Fidriga.

Madaxweynaha ayaa ku boorriyey dhamaan dadka Soomaaliyeed in ay sii joogteeyaan dhaqammada wanaagsan ee aynu mudnaanta siineynay muddadii Bishii Ramadaan, kuwaas oo ay ugu horreyso kaalmada iyo u gargaaridda dadkeenna danyarta ah, ka shaqeynta danta guud iyo ducada ku aaddan in uu Alle inoo wanaajiyo dalkeenna, naguna gallado amni, xasillooni iyo barwaaqo.

“Munaasabadda Ciidda, waxaan farxaddeeda si gaar ah ula qeybsanayaa Halyeeyada Ciidamada Qalabka Sida. In shacabka Soomaaliyeed, ay si nabad ah ku soomeen Bisha Ramadaan sannadihii la soo dhaafay, waxay ku timid, Alle fadligiis ka sakoow, halgan iyo howl badan oo ay qabteen Ciidanka Soomaaliyeed, maadaama uu jiro cadow argagixiso ah oo duullaan ku ah dalkeenna, caadeystayna in ay xoojiyaan dhagartooda maalmaha cibaadada ee Bisha Ramadaan” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Dhinaca kale Raysal wasaaraha Xilgaarsiinta Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhankiisa ugu hambalyeeyay Shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan umadda Muslimiinta ah Munaasabdda Maalinta koowaad ee Ciidul Fidriga.

"Waxaa mahad oo dhami u sugnaatay Allaha weyn oo  si nabad iyo caafimaad leh noogu dhammeeeyay bishii Barakeysneyd ee Ramadadan. Allaha naga aqbalo soonkii iyo acmaashi wanaagsanayd ee aan la nimid. Ciiddu waa munaasabad farxadeed, sidaas darteed waxaan ka codsanayaa shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka Eebbe wax siiyay in la caawiyo dadka danyarta ah, lagana farxiyo iyaga iyo qoysaskooda si ay u dareemaan farxadda Ciidda" ayuu yiri Raysal wasaare Rooble.

Waxaa sidoo kale hambalyo la mid ah tan madaxda dowladda Fedaraalka ah u diray Shacabka Soomaaliyeed madaxweynayaasha maamulada dowlad goboleedyada dalka ee kala ah, Puntland, Galmudug, Hirshabeelle, Koofur Galbeed iyo Jubbaland, kuwaas oo sbacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabada qiimaha badan ee Ciidul Fidriga oo maanta ah maalinteeda koowaad.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online