4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 2 , 2022
Aadan Madoobe: Barlamaanka cusub waxaa ka go'an sidii meesha looga saari lahaa wada shaqayn la'aanta dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada
 

Isniin, May, 2, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha barlamaanka Soomaaliya, Sheikh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa sheegay in barlamaanka cusub uu ka shaqeydoono sidii Meesha looga saari lahaa wada shaqayn la’aanta dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada.

Guddoomiyaha cusub ee Barlamaamka ayaa sheegay in meelaha dalka uu ka socon waayay ee keenay in doorashadu muddo hal sano ah la qaban waayo ay tahay khilaafka soo noqnoqday ee u dhaxeeya dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada.

Wuxuu sheegay guddoomiyuhu inuu jiro sharci qabyo ah oo barlamaanka horyaala kaas oo qeexaya wada shaqaynta labada dhinac, isagoo sheegay sharcigaas inuu ilaalinayo madax bannaanida hay’addaha dastuuriga ah.

Sheikh Aadan Madoobe wuxuu sheegay barlamaanka cusub inuu saxidoono waxyaabihii ka qaldamay barlamaankii 10-aad, oo ay kamid yihiin in barlamaanka uusan gudan waajibadkiisa dastuuriga ah ee ku aadanaa in sharciga lagu shaqeeyo.

“Waxaan isleeyahay hadddii barlamaanka waajibaadkiisa dastuuriga ah uu guto, oo barlamaankii 10-aad wixii u qabsoomi waayay uu saxo barlamaanka 11-aad, waxaan isleeyahay inuu yimaado isbeddel la dareemi karo,” ayuu yiri guddoomiyaha barlamaanka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]