4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 19, 2022
Xukuumadda Soomaaliya oo dowladda Imaaraadka Carabta ku wareejisay lacag dhan 9.6 Milyan oo Doolar oo horay looga xayiray

Khamiis, May, 19, 2022 (HOL) - Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa Maanta si rasmi ah ugu wareejisay dowladda Imaaraadka Carabta lacag dhan 9.6 Milyan oo doolar oo laga xayiray Imaraadka Carabta sanadkii 2018-kii.

Go'aanka lagu fasaxay lacagta ayaa kasoo baxay Maxkamadda gobolka Banaadir oo lagu amray in la fasaxo lacagta, waxaana Safiirka Imaaraadka Carabta u jooga Soomaaliya Ahned Al'uthman ku wareejiyay lacagtaas Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Lacagtaan ay Maanta wareejisay Xukuumadda Rooble waxaa horay u xayirtay Xukuumaddii uu Raysal wasaaraha ka ahaa Xasan Cali Kheyre, taasoo lagu qabtay gudaha garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Bishii Janaayo ee sanadkaan 2022 ayay aheyd markii Raysal wasaare Rooble uu amray in la fasaxo lacagtan oo laga hakiyay dowladda Imaaraadka sanadkii 2018, hayeshee uu ka horyimid amarkaasi madaxweynahii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Dhinaca kale wafdi uu hoggaaminaayo Raysal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maanta u ambabaxay dalka isutaga Imaaraadka Carabta, si uu uga qeyb galo Tacsida Allaha u naxariistee Madaxweynihii Imaaraadka Sheekh Khalif Bin Zayid AlNahyaan oo geeriyooday Jimcihii lasoo dhaafay.

Raysal wasaare Rooble ayaa Madaxweynaha cusub ee dalkaas Sheekh Maxamed Bin Zayid u gudbin doona Hambalyo iyo salaam uu uga wado Madaxweynaha cusub Jumahuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online